Ciidamada PSF oo Al-shabaab kala wareegay degaan katirsan buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari

Published: February 15, 2023
Shares12

Ciidamada gaarka ah ee Puntland (PSF) ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey tuulada Xabley ee gobolka Bari, kadib markii Al-Shabaab ay halkaas ku afduubatay laba qof shacab ah.

Saraakiisha ciidamada PSF ayaa sheegay in Ururka Al-shabaab ay carareen kahor inta aysan ciidanka gaarin aaggaas.

Taliska PSF ayaa shaaciyay in ay Al-shabaab ka qabsadeen xarun ay ku lahaayeen tuulada Xabley oo ka tirsan buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari.

Taliska PSF ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan Hawlgallada ka socda dhanka buuraha ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab.

Horseed Media