Ciidamada Somaliland oo xiray Mulkiilaha Maqaaxi uu ka khudbeeyay C/raxmaan Cirro

Published: June 5, 2022

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga dhigay Mulkiilaha Maqaayadda SIMA Axmed Sayid Heybe Nuur ,halkaas oo xalay ay Bulshada kula damaashaadeen Guddoomiyaha Xishiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro iyo Xubno kale oo katirsan Ciidamada Mucaaradka.

Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa ayaa cambaareeyay falkaasi lagu xiray Axmed Sayid Heybe.

“Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujiyey. 

Ayaan darro ka weyni ma jirto in Xukuumadda muddo xileedkeedii sii dhammaanayo xeeladeedi iyo xooggeediina ku soo ururisay xadhigga xaq-darrada ah, waxa ay tani muujineysaa in ay lumisay kalsoonidii Shacabka, anniga oo si adag u cambaareynaya xadhig xaqdarrada ah,waxa aan ugu baaqayaa Xukuumadda in xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso muwaadinkaa maalgashadaha ah”. Ayuu yiri Cirro

Laamaha ammaanka Somaliland faah-faahin kama bixin xabsiga ay dhigeen Milkiilaha Maqaaxida SIMA, axsaabta mucaaradka ayaa Xukuumadda ku dhaliilay in ay caburineyso Dadka ay u aragto in ay ka aragti duwan yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *