Ciidamada Soomaaliya Oo Burburiyey Maxkamado Argagixisadu Ku Lahaayeen Gobolka Sh/Hoose

Published: June 30, 2023

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalladaan oo socday muddo kooban, waxaa lagu burburiyey maxkamad ay kooxaha khawaarijta ku lahaayeen deegaano ka tirsan degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose.

“Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyey maxkamad beenaadkii Khawaarijtu ku lahayd deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaarada warfaafinta.

Howlgalkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda khawaarijta ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Sh/Hoose.

Horseed Media