Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Published: July 20, 2022
Deegaanka Janaale

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka sameeyey qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn ayaa waxaa lgu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha horkaceysay howlgalkaasi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortego weeraradada ay ka fuliyaan halkaasi.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ay weli ku xoogan tahay Xarakada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo kala duwan oo khasaare geysta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *