Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Published: September 18, 2022

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa kala ah Abooreey, Sagaalgeed, Geedasamo, Inameey iyo Tardo oo ah dhamaan ah deegaano ku yaala Bariga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha shacabka JFS ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ahaa Howlgalada ciidamada iskaashanaya ay kula wareegeen deegaanada hoostaga degmada Buulaburte.

Qaar kamid ah magaalooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan ayaa mudo ku dhaw 10 sano go’doon ugu jirta Ururka Al-shabaab iyagoo mararka qaar ka geysta weeraro iyo dilal qorshaysan.

Horseed Media