Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay magaalo Dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud

Published: April 15, 2023

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si buuxda Al-shabaab ugala wareegay Magaalada Budbud ee gobalka Galgaduud.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay in Ciidanka xoogga ay magaaladaasi si buuxda looga xureeyay Al-shabaab.

Budbud waa Magaalo dhul aad u quruxbadan kuna wacan dalxiiska, waa dhul doog leh oo xareedu Biyo dhigtay, barwaaqada iyo dhirta cagaarana Alle ku manaysay.

Dhanka kale, Ciidanka xooga dalka ayaa burburiyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen Ceel biyoodyo oo hoostaga magaalo Dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Horseed Media