Ciidamo daacad u ah Col Jimcaale oo mar kale fariisin ka samaystey bariga Garoowe

Published: June 2, 2023
Shares24

Ciidamada la baxay Danab ee uu hoggaamiyo Col Jimcaale Jaamac Takar ayaa saakey oo jimce ah ka gudbey magaalada Garoowe waxaana ay fadhiisin ka samaysteen bariga magaalada Garoowe meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha.

Ciidamadan ayaa taageersan siyaasiyiinta diidan doorashooyinka xisbiyada, waxaana horey looga soo saarey difaaca Laascaanood, sidoo kale waxaa burburey waanwaan ay wadeen waxgarad ka soo jeeda Garoowe.

Dhaq-dhaqaaqa Col Jimcaale ayaa yimid kadib markii maalintii shalay 15 gaari oo ciidan ah ay ka soo baxeen Boosaaso kuwaas oo kamid ahaa kuwii sugaayey amniga doorashooyinka gobolka Bari, waxaana ay ku hakadeen Qardho. Col. Jimcaale ayaa diiden in ciidsmada ka soo baxay Boosaaso ay gudaha u galaan Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan weli qaadin tallaabo caskeri oo uu ku sugaayo amniga, waxaana xukuumadiisu ku fashilantey in caasimadii Puntland doorasho ka hirgeliso, sidoo kale ma qaadin tallaabo wadahadal uu miiska la fariisanaayo kuwa diidan doorashooyinka ee xoogga ku leh Garoowe.

Horseed Media