Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan oo xirtay afaafka hore ee dekeda Bosaso

Published: May 30, 2023

Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa xirtay afaafka hore ee laga galo dekeda Magaalada Bosaso ee xarun ganacsiyeedka Puntland.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan mushahar qaadan muddo lix bilood ah, taasina ay sababtay in ay xirtan dekeda Bosaso.

Dhankooda, Ciidamada ilaalada dekeda ayaa difaac ka xirtay goobaha kanilaaliyaan amniga dekedda kuwaas oo labada ciidan ay isku horfadhiyaan.

Ciidamada gadoodsan ayaa dadweynaha iyo gaadiidka u diiday in ay galaan dekeda taas oo sababi karta karta isku dhaca labada ciidan ee is hor fadhiya.

Horseed Media