Ciidanka DANAB oo degaano cusub kala wareegay Alshabaab

Published: May 1, 2022

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB ayaa lagu soo waramayaa in howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen Degaano dhaca Gobolada Bay iyo Shabellaha Hoose.

Howlgalladan oo ay sameeyeen Ciidamada Ururka 4aad ee Guutada 16aad ee DANAB ayaa waxaa ay kula wareegeen Degaannada lagu kala magacaabo leego iyo Jameeco oo ka kala tirsan labada Gobol.

Saraakiisha DANAB oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa sheegay in ay burburiyeen Xarumo sida ay tilmaameen in Al Shabaab ay lacago uga qaadi jireen Shacabka halkaasi ku dhaqan.

Sidoo kale waxa ay Saraakiishu shaaciyeen in ay sii wadi doonaan howlgalladan nuucan ee lagu baacsanayo Kooxda Al Shabaab si loo xaqiijiyo amniga Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *