Ciidanka Nabad-sugidda ee Gedo oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Shabaab

Published: October 1, 2023

Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

Ciidamada ayaa qabtey isagoo wata mooto laba lugooleey, xili uu dadka beeraleyda ka qaadayey lacag baad ah.

Ninkan ayaa kooxda uga biiray degaanka Ufuroow ee gobolka Baay.

Ciidanka Qaranka ayaa wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta, iyadoo ay howlgaladaa lagu soo qabatay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Xagjirka Shabaab.