Ciidanka PSF Oo Howlgal Ku Dilay 20 Kamid Ah Kooxda Daacish

Published: July 22, 2020

Ciidamada Difaaca iyo la dagaalanka argagixisada Puntland ee PSF ayaa sheegay howlgal ay ka fuuliyeen deegaanada Tuurmasaale iyo Camayra ee buuraha Calmiskeed ee gobolka Bari inay ku dileen dagaalamayaal ka mid ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib.

Qoraal lagu baahiyey barta internetka ee ciidamada Psf ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 20 kamid ah dagaalamayaasha kooxda Daacish iyo sarkaal sare oo ajnabi ah oo Daacish u qaabilsanaa tababarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jirey daacishta Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka.

Dhanka kale ciidanka Psf ayaa sheegay inay Daacish ka gubeen kayd weyn oo ay dhigan jireen saadka iyo sahayda, kaydkaas oo ay yaaleen raashin, daawo, rasaas iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada.

Ugu dambayn ciidanka Psf wuxuu sheegay Intii hawlgalkani socday inaysan jirin wax khasaare nafeed ama hantiyeed oo kasoo gaaray ciidamada PSF.

https://www.facebook.com/PSFHQ252/posts/888860948274978

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment