Ciidanka sirdoonka qaranka oo gacanta ku soo dhigay Eedeysane Sayid Cali Macalin oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Published: February 6, 2024

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ku howlanaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa eedeysane Baxsad Sayid-Cali Macalin Daa’uud, kaas oo 26 Jan 2024 Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku gubay xaaskiisii marxuumad Luul Shiikh Cabdi, oo ay u geeriyootay gubashadii.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii la soo dhaafay ku raad joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn ka soo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Eedeysanayaashaan ayaa gacan ku siiyay eedeysanaha 1-aad inuu ku dhuumaalysato dhulka ballaaran ee isku xira Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Halkaas oo ay suurto gashay in gacanta lagu soo dhigo xilli uu ku sugnaa deegaanka Cadayleey.

Eedeysanayaasha kala ah Ingiriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa’uud (Caluuke), ayaa laga soo qabatay deegaanka Gawaan oo hoos taga Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, xilli ay ku howlanaayeen fududeynta baxsashada eedeysane Sayid-Cali oo la qorsheeynayay inuu doon ku baxsado markale.