Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano cusub kala wareegay Alshabaab

Published: March 18, 2024

Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen maleeshiyaadka Argagixisada ah, si bulshada looga dulqaado dhagartooda.

Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey ciidanku Kala wareegeen khawaarijta, Kuwaasi oo nabadiidka u ahaa goobo ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan kadibna dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan.

Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka ee maleeshiyada ka sifeeyay deegaanadaasi, ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Nabadiidka ay sii wadi doonaan inta laga ciribtirayo cadowga caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah.

Waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogga horjoogayaal iyo maleeshiyaad kalena lagu dilay.

Horseed Media