© 2023 Horseed Media Group

golis telecom

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degaan katirsan gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa maanta la wareegay saldhig weyn oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Qunbi ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hogaamineysay Ciidamada ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay qorsheenayeen inay fuliyaan Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa ay saraakiishu sheegeen in howlgalka lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Jubbaland.

Horseed Media