Ciidanka XDS oo hawlgal ay fuliyeen koonfurta gobolka Mudug ku dilay in ka badan 30 Alshabaab ah

Published: October 19, 2024

Ilaa 30 ka tirsan al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada macawisleeydu ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal al-Shabaab ah, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah saraakiisha al-Shabaab looga diley:

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo al-Shabaab ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad al-Shabaab u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 ka tirsan amalayshiyaadka al-Shabaa ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

HORSEED MEDIA