Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Ugaandha kala hadlaya ciidamada ka jooga Soomaaliya

Published: October 19, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay safar shaqo.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Horseed Media