Ciraaq: Dad caraysan oo maalintii labaad gacanta ku haya xarunta baarlamaanka

Published: August 1, 2022
Shares16
xarunta baarlamaanka ee dalka Ciraq

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Shiicada Ciraaq, Muqtadda al-Sadr ayaa u muuqda kuwo maalmaha soo socda sii deganaan doona xarunta baarlamaanka ee dalka Ciraq.

Taageerayaasha ayaa xalay habeenkoodii labaad ku hoyday xaruntaas.

Qaar badan oo ka mid ah mudaaharaadayaashan ayaa taandhooyin ka dhistay banaanka hore iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Dhinaca kale wasaaradda difaaca ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqday ciidamada milateriga ee dalkaasi, inaanay ku milmin siyaasadda oo dhex-dhexaad ka noqdaan xaaladaha siyaasadeed ee haatan ka aloosan dalkaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *