Cisbitaalka Qardho oo la gaarsiiyay Qalab lagula tacaalo Cudurka Covid19-SAWIRO

Published: May 2, 2021

Cisbitaalka guud ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa la gaarsiiyay Qalab caafimaad oo ah Haamaha Neefta siiya Oxygen-ka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Covid19.

Qalabkan caafimaad oo gaaraya 15 Haamaha Neefsiiyaha Oxygen-ka ayaa waxaa ku deeqay haween Qurbajoog ah oo ku nool dalka dibadiisa.

Sheekh Fuaad Maxamuud oo kamid ah Culimadda Puntland ayaa wakiil ka ahaa Gabdho dalka dibadiisa ku nool kuwaas oo Mashiinkan oo dhan 15 Haamo iyo qalabkooda ugu talagalay in loogu adeego dadka usoo rito caabuqa Carona kaas oo mudoonkii danbe fara kulul ku hayay Gobolka Karkaar.

Agaasimaha Cusbitaalka Qardho Dr-Jama Ildab iyo isku-Duwaha Caafimaadka Gobolka Karkaar Liibaan Yuusuf Axmed Khayr ayaa si rasmi ah ula wareegay Mashiinkan.

Agaasimaha Cusbitaalka iyo Isku duwaha Caafimaadka Gobolka karkaar ayaa tilmaamay in qalabkan uu yimi xili baahi badan loo qabay,iyaga oo u mahadceliyay Gabdhihii ku deeqay una duceeyay.

Cudurka safmarka ee Covid19 ayaa saameyn xooggan ku yeeshay magaalada Qardho iyadoo maalmihii ina dhaafay la diiwaan geliyay kiisas badan oo Cudurrka taasoo muujinaysa sida uu ugu faafay Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *