Ciyaarayahanka Soomaaliga ah Akram Afif oo guul u soo hooyey QATAR oo ku guuleysatay Koobka Aasiya

Published: February 10, 2024

Qatar oo xulka Jordan (Urdun) uga guuleysatay 3-1 ayaa noqotay waddankii shanaad ee taariikhda koobka Asia oo markale koobka qaada.

Kaddib xulalka adag ee South Korea, Iran, Saudi Arabia iyo Japan, Qatar waa dalkii shanaad ee laba jeer oo isku xigta ku guulaysta koobka Asia.

Ciyaaryahan Akram Afif oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa qeybtii hore ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay xulka Qatar.

27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyey goolkiisii ​​lixaad ee tartanka. Laacibkan Naadiga Al-Sadd ayaa sidoo kale caawiyey seddex gool oo kale.

Laacibka dalka martida loo yahay ayaa sidoo kale soo bandhigay indho-sarcaad xiligii u dabaaldegayey goolka uu dhaliyey, isagoo isticmaalay kaar uu ku qoran yahay Xarafka (S) oo la sheegay inuu yahay magaca Xaaskiisa.

Qatar oo qeybtii hore ee ciyaarta hogaanka u qabatay, ayaa qeybtii labaad weerar adag kala kulantay xulka Jordan. Waxaana xulkaasi Urdun daqiiqadii 67-aad goolka u keenay xiddiga Yazal Al-Naimat oo si qurux badan u dhaliyay goolka bar-baraha. Balse Akram ayaa daqiiqadii 73-aad gool kale oo rigoore ah u dhaliyey Qatar.

Waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, Akram Afif ayaa dhameystiray guusha xulkiisa, kadib rigoore sadexaad oo uu dhaliyey, waxaana uu dhameystiray seddexleydiisa gool (Hattrick).

Akram Afif ayaa waxaa dhalay laacibkii Xasan Afif oo usoo ciyaaray kooxda Horseed ee Soomaaliya iyo xulka Qaranka Soomaaliya, kahor inta uusan u wareegin dalka Qatar una ciyaarin Al Itixaad.

Horseed Media