Codaynta doorashada Gudoonka Golaha shacabka oo bilaabantay 

Published: April 27, 2022

Doorashada Gudoonka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa ayaa si toosa u bilaabantay, halkaas oo uu shirka Golaha uu furay Guddoomiyaha KMG Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Kulanka lagu dooranayo shirguddoonka golaha ayaa si habsami ah u socda, waxaa ugu horrayn la ansixiyey ajandaha kulanka iyo habka codayntu u dhacayso.

Teendhada Afisyoone waxaa fadhiya oo ah xildhibaano rasmi ah oo codeynaya 252 xildhibaan. Xildhibaanada 35-ta ah ee ka maqan tirada guud ee Baarlamaanka waxay kala yihiin.

16 Xildhibaan oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo oo khilaafku ka jiro kuwa lagu doortay Ceelwaaq iyo kuwa lagu doortay Garbahaareey ma codeynayaan.

4 Xildhibaan oo deegan doorashadoodu tahay Hirshabelle ma codeynayaan, waxaa fadhiga ka maqan laba Xildhibaan oo keliya.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Gollaha Shacabka waxaa ku tartamaya 7 Musharrax, halka uu tartanka isaga haray Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *