Colaadda ka taagan Badda Cas ayaa si weyn u saamaysey ganacsiga adduunka

Published: January 20, 2024

Isu socodka gaadiidka badda ee mara marinka Suweys iyo badda cas ayaa inay istaagaan ku dhow kadib markii Xuutiyiinta ay si aan kala sooc lahayn u weerareen maraakiibta mara Yemen.

Weeraradu waxay horseedeen qiimaha xamuulka oo kor u kaca iyo xasillooni darro xagga ganacsiga adduunka ah.

Xuutiyiibta Yemen ayaa ballan qaadey inaan la weerari doonin Maraakiibta Shiinaha iyo Ruushka ee maraya Badda Cas. Isla mar ahaantaana waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirkadda labaad ee ugu weyn adduunka ee maraakiibta ee Maersk ee dalka Denmark laga lee yahay ay joojinayso isu socodka dekedaha ugu waaweyn ee badda cas.

Khadadka maraakiibta ee sida caadiga ah ka yimaada Aasiya ee sii mara Yemen iyagoo sii mara marinka Suweys kadibna u gudba Yurub. Laakiin hadda mulkiilayaasha maraakiibtu waxay ku khasban yihiin inay maraakiibtooda ku jiheeyaan waddada dheer ee qaaliga ah ee Afrika waa safar qaata 10-14 maalmood ka dheer tii hore.

Qiimaha dhoofinta ayaa cirka isku shareeray

Colaada ka taagan Badda cas ayaa keentay in qiimaha wax dhoofintu kor kaco. Konteendharka cabbirkiisu yahay 40ft ee laga soo qaado dekadaha Shanghai ilaa dekadda weyn ee Rotterdam waxa uu ku kacayey wax ka yar $1,000 bishii Sebtembar 2023, hadda waxa uu marayaa wax ka badan $4,900. Arrintan ayaa keenaysa sicir barar ku yimaada alaabaha ka yimaada Aasiya.

Horseed Media