Cudurka Covid-19 oo dib uga dilaacay dalka IRAN

Published: June 6, 2020

Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa ku sheegay sababta cudurkan ugu soo laba-kacleeyey dalkooda inay la xariirto Xafladaha aroosyada oo ay shacabka dhigayaan.

Madaxweyne Rouhani ma faah-faahin xafladaha uu ku eedeeyey inay sabab u ahaayeen in cudurkan markale ku faafo dalkaasi xili dowladiisa ay dooneyso in la qaado xayiraadii lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa shacabka wadankaasi.

Xukuumada Iran ayaa diidan inay markale soo rogto Bandowgii lagu xiray  magaalooyinka waaweyn, iyagoo ka cabsi qaba xayiraadaha shacabka la duldhigo ay dhaawici doonaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Tan iyo dhamaadkii bisii Maarso ayey dowlada xayiraad ku heysay shacabka, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay dib loo furay dhaq-dhaqaaqa shacabka iyo ganacsiga.

Wadanka Iran ayaa ah dalka uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaray cudurka Covid-19 ee dalalka Bariga Dhexe, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyey in dad ka badan 8000 qof ay u dhinteen cudurkaasi, halka ay weli u jiifaan in ka badan 167.000 oo qof.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *