US: Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintey fatahaad ka dhacdey gobolka Kentucky

Published: July 29, 2022
Kentucky floods

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana lama oga xaaladooda ka dib markii daadadku ay ku dhufteen deegaanada ku xeeran buuraha Appalachian ee bariga Kentucky Khamiistii.

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay in ay biyuhu ka soo burqadaan togaga oo ay qarqiyaan guryo ku yaala mid ka mid ah gobolada ugu saboolsan Maraykanka. Meelaha qaar, ayaa daadadku waxay qaadeen jidad iyo buundooyin, waxayna dumiyeen dhismayaal.

“Waxaan dhihi karnaa dhacdadan waa mid ba’an,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear isagoo ku dhawaaqayay tirada dhimashadii ugu horreysay.

“Waxaan aaminsanahay inay ku dhamaan doonto inay noqoto mid ka mid ah daadadka ugu khatarsan, ee dilaaga ah ee aan ka dhaca Kentucky ugu yaraan waqti aad u dheer.”

Beshear wuxuu sheegay in 23,000 qoys ay koronto la’aan yihiin, “tiro dad ah”na aan la ogeyn. Wuxuu sheegay in ay filayaan in dad badan ay ku naf waayeen masiibada dhacday.

Daadgureynta oo socota

Dowladda gobolka Kentucky ee Maraykanka ayaa geysay Ilaalada Qaranka iyo booliiska gobolka si ay u badbaadiyaan waxaana samatabixiyaashu isticmaalayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo doonyo yaryar.

“Waxaan hadda ku jirnaa xaalad samatabbixin ah,” agaasimaha maamulka deg-degga ah ee degmada Perry, Jerry Stacy, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press. “Daadad xooggan iyo dhoobo ayaa meel walba yaal.”

Xarumo dadka laga daadgureeyay ayaa laga furaymeelo kamid ah gobolka iyo xarumo kale, hase yeeshee guddoomiyaha ayaa ka digay in qaar ka mid ah xarumahaas ay dabeylo ku dhuftaan, lagana yaabo in koronto la’aan ku dhacdo.

Maamulka gobolka ayaa baabuur ku keenay biyo nadiif ah oo dadku cabbaan.

Adeegga Saadaasha Hawada Qaranka ayaa sheegay in 80% ay jirto fursada roobabka culus ay sii socon doonaan ilaa Jimacada maanta ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *