Daahir Geelle oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha JFS

Published: May 14, 2022

Murashax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa iskaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ka hor doorashada berri loo ballansan yahay inay dhacdo.

Qoraal uu soo geliyey Daahir Geelle bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyey inuu iskaga haray doorashada isagoo aan shaaca ka qaadin shakhsiga uu codadka xildhibaanada uu heysto ugu shubi doono.

“Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha ololahayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale, Daahir Maxamuud Geelle ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay soo doortay hogaamiye wanaagsan.

“Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay” ayuu yiri Daahir Geelle.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *