Dacwad lagu soo oogay Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo carruurtiisa

Published: September 22, 2022

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay shirkadda qoyskooda ee Ururka Trump.

Dacwaddu waxa ay sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in kooxda Trump ay ku kaceen falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021.

Dhankiisa Trump ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay arrin kale oo loo soo maleegay.

Labo xubin oo sare oo kooxdaTrump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

Horseed Media