Dad badan oo u geeriyooday abaarta ka jirta gobolka Gedo

Published: January 30, 2023
Shares2

Deegaanka Gariley oo dhaca xadka gobolka Gedo la wadaago dalka Kenya ayaa waxaa la soo sheegayaa in sideed qof ay deegaankaasi ugu geeriyoodeen abaar darteed.

Dadkan ayaa ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo dhawaan ay Al-Shabaab ka soo barakaciyeen tuulooyinka ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Baardheere iyo Gariley.

“Gariley abaar xun baa ku dhufatay, sanadkii la soo dhaafay cirkaba looga maba imaanin, middii ka sii horreysayna ayaduna roobkeeda, roob aad u yar buu ahaa.” Ayuu yiri .

Gudoomiyaha deegaankaasi, Maxamuud Cabdille Warsame oo ka hadlay waxa geerida dadkaasi sababay ayaa yiri “Abaarta haddii ay badato dadkii wuu tabar-yaraanayaa, haddii uu dadku tabar-yaraadana cudurkii bannaankuu iska imaanayaa, oo sidaasuu ku dhalanayaa. Dadka hadda dhimanaya waa dadkii yaryarka ahaa, oo qoysaska danyarta ay dhalleen, iyagoo hubeysnayn baa la yiri socda na dhaafa, annaga oo xaaladayada aad iska ogtahay oo awalba aan caadi ahayn ayay nafta nagu la soo dhaceen ayagoo maato ah, sidaasee baaba’a hadda u bilaabeen.”

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ugu daran dalka, ee ay ka jirto abaarta baahsan ee dhammaadkii sanadkii 2021 ka dhufatay qaybo ka mida dalka.