Dad ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Suuriya

Published: September 24, 2022

Meydadka 89 qof oo muhaajiriin kana timid Lubnaan ayaa la helay kuwaasi oo doontii ay saarnaayeen ku degtay xeebaha dalka Suuriya, sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda.

Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in ay qabteen nin looga shakisan yahay in uu yahay muqallaskii doontan oo noqoneysa tii ugu dhimasho badneyd ee dhowaanahan ku degta bariga badda Mediterranean-ka.

Ugu yaraan 14 qof oo la soo badbaadiyay islamarkaana lagu daweynayo isbitaal ku yaalla Suuriya ayay xaaladdoodu ka soo reyneysaa, iyadoo lix kalena ay bogsadeen oo laga saaray, waxaana socda dadaal lagu baadigoobayo dhowr qof oo weli la la’yahay tan iyo Khamiistii oo ay doontu degtay.

Ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in ay xireen nin u dhashay Lubnaan oo qirtay in uu abaabulay howshan tahriibinta ah ee muhaajiriinta looga qaaday Lubnaan dhinaca baddana loogu waday Talyaaniga.

Lubnaan oo martigelisa in ka badan hal milyan oo qaxooti ka soo cararay dagaalka sokeeye ee Suuriya ayaa tan iyo 2019-kii waxa ay la daalaa dhacaysay dhibaato dhaqaale oo uu Bangiga Adduunku ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu daran xilligan casriga ah.

Horseed Media