Published: July 23, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/07/CAR-xasuuq-rayid-220721-1.jpg)
Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyada Bartamaha Afrika ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 13 qof oo shacab ah lagu xasuuqay magaalada Bongboto ee waqooyiga dalkaasi.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/07/CAR-xasuuq-rayid-220721-2-1.jpg)
Xukuumada dalkaasi ayaa falkan ku eedaysay maleeshiyaadka isbaheysiga mucaaridka dalkaasi ee loo yaqaan Wadaniyiinta Isbedal-doonka (Patriots for Change) kuwaasi oo la aasaasay sanadkii tagay ee 2020 si xilka looga tuuro Madaxweynaha dalkaasi Faustin Archange Touadera.
Horseed Media