Dagaal beeleed ay ku dhinteen 250 qof oo ka socda dalka Sudan

Published: October 25, 2022
Shares2

Dagaal beeleed ka socda gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 250 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badan.

Dagaal beeleedkan oo beryahanba halkaas ka socday ayaa la soo werinayaa inuu sii xoogaystay.

Hoggaamiyaha milateriga ee dalka Sudan ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka ee ku sugnaa gobolka Blue Nile.

Dagaal beeleedkan ayaa salka ku haya muran dhuleed oo u dhexeeya labada dhinac ee qabiilka Hausa iyo shucuubta Berta.

Xukuumadda oo la tacaalaysa arrintaas, ayaa haddana dhinaca kale waxaa mucaaradka dalkaasi ay ku baaqeen isu-soo baxyo dalkaas ka qabsooma.

Horseed Media