Dagaal beeleed ka dhacay Galguduud

Published: March 31, 2024

Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyodey qaar kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii dagaal beleed uu ka dhacay meel ku dhaw magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug. Dagaalka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Qurac mudul.

Dagaalka u dhexeeya malayshiyaad beeleedka ayaa marar kala duwan soo noqdey, waxaana aad u kacsan xaaladda iyada oo dadku ka cabsi qabaan in iska hor imaadku uu xoogeysto.

Dagaalka ayaa salka ku haya lahaanshaha deegaanka Laas-xaado oo ku dhaw Dhuusmareeb, halkaas oo beelaha dirirtu u dhaxayso ay isku hayaan.

HORSEEDNMEDIA