Dagaal ciidamada Galmudug ku dhexmaray duleedka Cadaado

Published: September 20, 2018

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay iska horimaad xalay ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada Cadaado, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada magaalada iyo kuwo kale oo ka yimid magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo kasoo kicitimay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo kuna sii jeeday magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayey hor istaageen ciidamada illaaliya magaalada Cadaado oo diiday in gaadiidkaasi dagaal halkaasi ka gudbo.

Murankan oo markii danbe isu bedalay dagaal muddo socday ayaa la sheegay in ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah labada dhinac soo kala gaartay walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Magaalada Cadaado ayey xiligan ku sugan yihiin siyaasiyiinta ka tirsan Galmudug ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo isagu fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb, ciidamada ka yimid Koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay inay kamid yihiin kuwa taageersan Xaaf.

Waa markii labaad oo ay ciidamo ka yimid Gaalkacyo oo lagu weeraro nawaaxiga Cadaado, siyaasiyiinta ku sugan Cadaado ayaa ka cabsi qaba ciidamada ka amar qaata Xaaf inay magaalada Cadaado ka sameeyaan olole lagu soo afjarayo kacdoonkooda.

Illaa iyo hada ma jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Galmudug oo ka hadlay iska horimaadka xalay ka dhacay duleedka magaalada Cadaado, balse saaka oo khamiis ah ayaa la sheegay inay xaaladu degen tahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *