Dagaal ka qarxay dalka Bartamaha Afrika kahor doorashada dalkaasi

Published: December 23, 2020

Xoogaga hubeysan oo kasoo horjeeda xukuumada (Central African Republic) ayaa la wareegay magaalada 4aad ee dalkaasi ugu weyn shan maalmood kahor xiliga la qorsheeyey inay dhacdo doorashada dalkaasi.

Jamhadan hubeysan ayaa Salaasadii shalay la wareegay  gacan ku heynta magaalada Bambari oo 380km dhanka Waqooyi-Bari uga beegan caasimada dalkaasi ee Bangui.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay kadib markii todobaadkan ay xukuumada dalkaasi ay qaylo dhaan u dirsatay wadamada Ruushka iyo Rwanda oo ciidamo geeyey dalkaasi si loo taageero dowlada tabarta yar ee wadankaasi.

Xukuumada ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore ee dalkaasi Francois Bozize uu qorsheenayo inuu sameeyo inqilaab militari isagoo kaashanaya kooxahan hubeysan.

Kooxahan hubeysan ayaa weerarkii shalay uga awood batay ciidamada dowlada iyo waliba kuwa ka socda Qaramada Midoobay ee loo yaqaan MINUSCA.

Dhinaca kale dagaal kale ayaa la sheegay inuu ka socdo wadada isku xirta caasimada dalkaasi ee Bangui iyo wadanka Cameroon.

Doorashada wadankaasi ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 27 December, balse waxay xiisadi ka dhex taagan tahay Madaxweynaha xilka haya Faustin-Archange iyo xoogaga hubeysan ee wadankaasi.

Sanadkii 2012 ayuu dalkaasi ka dhacay dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen kumanaan kun oo shacab ah, waxaana dagaalkaasi ku baro-kacay dad ka badan 4.7 milyan oo qof.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *