Dagaal khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay gobolka Mudug

Published: October 5, 2023

Galmudug: Maalintii shalay ee arbacada dagaal aad u culus ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada daraawiishta Galmudug, kuwa loo yaqaan Macawisleyda iyo ciidamada dowladda federaalka ah ay weerar ku qaadeen malayshiyaad ka tirsan al-Shabaab meel u dhacaysa Bacaad weyn iyo Wisil.

Wararku waxay sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Gaadday oo u dhaxaysa Wisil iyo Bacaadweyn oo bishii hore laga saarey al-Shabaab ay u galeen ciidanka, kadibna dagaal gaadmo ah ku qaadeen kaas oo gacmaha laisula tegay.

Ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin ayaa ciidamada looga diley waxaana ka mid ahaa Korneyl Calinaasir Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoghayihii Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiqani Maxamuud Axmed (Afyare).

Al-Shabaab waxay yagu sheegteen in ay dileen ugu yaraan 58 askeri, mana jirto wax caddeyneysa tiradaas ay sheegteen.

Horseed Media