Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan

Published: August 2, 2022
Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta ka dhacay degaanka Bukure ee hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamaayaal katirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda howlgallo ka weday deegaannada Bari ee Gobolkaas.

Howlgalka sababay dagaalka waxaa hoggaaminayay Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uu fulinayo howlgallo la isugu furayo waddooyinka muddada dheer u xayiran isu socodkooda Al-Shabaab kaddib markii ay go’doon geliyeen degmooyinka dhowr ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *