Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood

Published: July 8, 2023

Wararka maanta ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa sheegaya in duhurkii dagaal xoogan uu ka bilowday dhowr jiho oo ah nawaaxiga magaalada.

Dagaal culus oo markale ka bilowday duleedka magaalada Laascaanood

Dagaalkan ayaa ku bilowday duqeyn madaafiic oo ay ciidamada Somaliland la beegsadeen gudaha magaalada, kaasi oo markii danbe isu bedalay dagaal fool ka fool ah oo banaanka magaalada ku dhexmaray ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee saldhigoodu yahay Gooja-cade.

Galbeedka iyo Bariga magaalada ayey weli ka dhaceysaa rasaas culus, xili ay ciidamada magaalada gacanta ku haya ee SSC ay sheegeen inay qaadeen weerar isdifaac ah oo ay uga hortagayaan kuwa Somaliland.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in gabaldhacii Sabtida xaaladdu deganeyd oo dagaalku qaboobey.

Laascaanood ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey ciidamo iyo gaadiid dagaal ka yimid Buuhoodle iyo gobalka Cayn. Halka kuwa Somaliland maalmihii lasoo dhaafay wadeen ciidamo lagu xoojinayo aaga ay joogaan ee Gooja-Cade.

Khasaaraha inta la xaqiijiyey 5 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeynta magaalada, goobaha duqeynta lala beegsaday waxaa kamid ahaa xarunta cisbitaalka guud. Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegaya tirada dhimatay inay gaareyso 17 askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dagaalka joogsaday makhribdii kadib markii labada ciidan ku kala noqdeen saldhigyadooda.

Horseed Media