Dagaalka Gaza oo galay maalintii 100aad iyo duqeynta oo sii socota

Published: January 15, 2024

Axaddii shalay ayaa ku beegnayd maalintii 100aad tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israel ku qaaday Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Dagaalkan oo baro-kiciyey in ka badan 2 milyan ee shacabka reer Falastiin ayaa tiradda shacabka ku dhintay ay gaareysaa 23,843 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 60-kun oo qof.

Israa’iil ayaa qaadacday dhamaan baaqyada uga imaanaya beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaalada shacabka baro-kacay oo ay hada qaarkood looga cabsi qabo inay macluul u dhintaan.

Waxaa wadamada kala duwan ee adduunka ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa Israel ka wado Gaza, xili ay socoto dacwada dalka Koonfur-Afrika horgeysay maxkamada adduunka ICJ ee lagu codsanayo joojinta xasuuqa Israel ka geysaneyso Gaza.

Horseed Media