Dagaalka Qaza: Hogaamiyaha Xamaas ayaa dalbaday in si buuxda loo joojiyo colaada taasoo dhabar jab ku ah qorshaha Biden

Published: June 5, 2024

Hogaamiyaha Xamaas ayaa sheegay in kooxdu ay dalban doonto joojinta joogtada ah ee dagaalka Gaza iyo ka bixitaanka Israel taas oo qayb ka ah qorshaha xabbad joojinta, iyada oo la tacaalaysa dharbaaxo muuqata oo ku timid hindise xabbad-joojin ah oo uu todobaadkii hore jeediyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.

Dhanka kale Israel ayaa sheegtay in aysan joojin doonin dagaalka inta lagu guda jiro wadahadalada xabad joojinta, waxaana ay weerar cusub ku qaaday qeyb kamid ah bartamaha marinka Qaza oo u dhaw magaaladii ugu dambeysay oo aysan wali ku dhicin taangiyada.

Hadalka hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa u muuqday mid soo bandhigayay jawaabta kooxda falastiiniyiinta ee ku aadan soo jeedinta uu Biden soo bandhigay todobaadkii hore. Washington waxay sheegtay inay sugaysay jawaabta ay Xamaas ka bixinayso waxa uu Biden ku tilmaamay hindise Israel.

“Dhaqdhaqaaqa iyo kooxaha iska caabintu waxay si dhab ah oo togan ula macaamili doonaan heshiis kasta oo ku salaysan in si buuxda loo soo afjaro gardarrada iyo ka bixista gabi ahaanba iyo maxaabiista oo la is dhaafsado,” ayuu yiri Haniyeh.

Horseed Media