Dagaalo culus oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Aadan Yabaal 

Published: December 5, 2022

Dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Deegaanada uu dagaalka ka dhacay ayaa kala ah Wartadibi samatar iyo Boos Caduur oo ah deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Dagaaladaan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay u ruqaansadeen dhanka degmada Aadan Yabaal oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weli ilaa hadda uu dagaalku ka socdo deegaanada Wartadibi Samatar iyo Boos Caduur.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ku saabsan khadaaraha dagaalkan oo ka soo baxay labada dhinac ee dowladda iyo Al-shabaab.

Horseed Media