Dalal baddan oo cambaareeyay duqeyntii Israel ee Xerada Qaxootiga Rafah

Published: May 27, 2024

Inta badan dalalka Carabta iyo Yurub ayaa Isniintii cambaareeyey duqaymaha Israa’iil ay xalay ku qaaday xero ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah oo ku taal Rafah, taasoo saraakiisha Qasa ay sheegeen inay ku dileen ugu yaraan 45 qof.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in uu “ka argagaxay” weerarrada dadka shacabka ah lagu xasuuqay, isagoo intaas ku daray, “waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada.”

Dhiniciisa, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu dalbaday “xabad joojin degdeg ah.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu sameyn doono wax walba oo suurtagal ah oo lugala xisaabtamayo Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “duqeymo ula kac ah oo ay ciidamada Israa’iil u geysteen teendhooyinkii dadka barakacay” ee Rafah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay bayaan ay ugu baaqday Israa’iil inay “fuliso tillaabooyinka ay amartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku saabsan joojinta degdegga ah ee hawlgallada militari” ee Rafah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareysay “xasuuqyada joogtada ah ee ciidamada gumeysiga Israel”.

Jordan ayaa sidoo kale muujisay cambaareynteeda, iyada oo ku eedaysay Israa’iil inay gashay “dambiyo dagaal oo sii socda.”

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay waxa ay ku sheegtay in Israa’iil ay bartilmaansatay teendhooyin ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla Rafah, sida ay bayaan ku sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Dhanka kale, Qatar ayaa sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay caqabad ku noqon karaan wadahadallada ku aaddan xabbad joojinta iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kuwait ayaa sidoo kale cambaareysay weerarka Israa’iil ay ku qaaday xerada ay ku nool yihiin dadka Falastiiniyiinta ah ee ku barakacay meel u dhow Rafah, iyadoo sheegtay in ay bannaanka soo dhigtay “dambiyada dagaal ee cad iyo xasuuqa aan horay loo arag ee Israa’iil u geysatay adduunka oo dhan.”

Tirada dhimashada shacabka Gaza ee weerarrada joogtada ah ee Israel tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ayaa gaartay 36,050, sida ay maanta oo Isniin ah sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Horseed Media