Dalalka EU oo ku kala qeybsan in Ukraine xubin ka noqoto Midowga Yurub

Published: March 1, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa isniinti shalay si rasmi ah ugu gudbiyey Midowga Yurub codsiga in dalka Ukraine si deg deg ah loogu daro Midowga Yurub.

Qorshahan ayey Ukraine ku dooneysaa inay ku hesho awood dheeraad ah oo ay isaga difaacdo Ruushka.

Balse kamid noqoshada EU-da oo horey sharuudo adag loogu xiray dalal badan oo kamid ah bariga Yurub oo weli sugaya ayaa ah mid ay ku kala qeybsan yihiin 27 wadan ee hada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Qaar kamid ah dalalka Xaduuda laleh Ukraine oo taageersan in dalkaasi lagu soo daro Midowga Yurub ayaa aaminsan inay arrintan u fududeyn doonto gorgortan ay la galaan Ruushka, halka dalalka Qaniga ah ee Galbeedka Yurub aysan dooneyn inay hada ku deg degaan in Ukraine lagu soo daro Midowga Yurub, arrintaasi oo saari karta culeys dhaqaale iyo mid militari.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *