Dalalka G7 oo diyaar u ah inay wadahadal la galaan Ruushka

Published: February 18, 2022

Hogaamiyayaasha dalalka G7 ayaa lagu wadaa inay kulmaan maanta oo Jimce ah, xili ay jirto walaac laga qabo xiisada bariga wadanka Ukraine oo laga cabsi qabo inuu duulaan kusoo qaado Ruushka.

Todobada dal ee xubnaha ka ah G7 ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin “wadahadal dhab ah” oo lala yeesho Ruushka oo ku saabsan xiisadda Ukraine kadib markii wadamada reer galbeedka iyo NATO ay ku eedeeyeen xukuumada Moscow inay isku dayday inay abuurto marmarsiiyo ay duulaan ugu qaado Ukraine.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey rasaas is-weydaarsadeen ciidamada Ukraine iyo maleeshiyaadka bariga dalkaasi ee xulafada la ah Ruushka.

Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka uusan dib u celin ciidamada uu soo dhoobay xaduuda Ukraine, isla markaana ay weli jirto cabsida ah in ciidamadaasi weeraraan dalka Ukraine.

Subaxnimadii Jimcaha, ayey fallaagada uu Ruushka taageero ee bariga Ukraine mar kale ku eedeeyay ciidamada dowlada Ukraine inay duqeeyeen tuulo ay fallaagada gacanta ku hayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *