Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo gargaar dawo & dhakhaatiir soo gaarsiiyey Soomaaliya

Published: November 3, 2022

Guddiga Gurmad Caafimaad ee dhaawacyadii Zoobe ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac uh dhakhaatiir u dhalatey Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo ka qeyb qaadan doona daweynta dhaawacyada.

Guddigan oo qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kala wareegey Dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya deeq Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhakhaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta dalka ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Guddiga ayaa u mahad celiyey Dowladaha dariska ah ee deeqda Dawada iyo dhakhaatiirta gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo diray Soomaaliya.

Horseed Media