Dalka Suudaan oo laga jaray isgaarsiintii Internetka

Published: February 7, 2024

Dhammaan saddexdii shirkadood ee ugu waaweynaa Suudaan ayaa khadka ka maqnaa maanta oo Arbaca ah, iyagoo jaray isgaarsiinta malaayiin qof oo ku xayiran aagagga dagaalada ka socdaan.

Maqnaanshaha shabakadu waxa kale oo ay xayirtay adeega lacagaha elektaroonigga ah ee ay dad badani ku tiirsan yihiin iyada oo ay jirto lacag yari baahsan.

Laba ka mid ah shabakadaha ayaa hawada ka maqnaa tan iyo Jimcihii, ilo-wareedyo dhanka isgaarsiinta ah iyo wakaaladda wararka ee dowladda ay sheegay in ciidamada RSF ay xireen shabakadihii ay lahaayeen shirkadaha isgaasiinta ee MTN Sudan iyo Sudani.

Shirkada isgaarsiinta ee Zain Sudan ayaa hadda sidoo kale khadka ka baxday.

Ciidamada Gargaarka degdega ah (RSF) ayaa iyagu iska fogeeyey inay ka mas’uul yihiin falkan, shirkaduhuna si cad uma sheegin cida ka danbeysa joojinta adeegan muhiimka ah.

Dhinaca kale, hay’adaha gargaarka ayaa ka digay macluusha sii kordhaysa ee Suudaan, taas oo ka dhalatay dagaalka sagaalka bilood ee u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo jabhadda RSF.

Horseed Media