Dallada Punsaa oo Warsaxafadeed Ka Soo Saartay Xaaladda Puntland, Baaqna u Dirtay Dowladda.

Published: March 1, 2017
Guddoomiyaha PUNSAA Nuur Shire Cismaan

Dalladda Daneeyayaaha aan Dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa Warsaxafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ka soo horjeedo in la weeraro xarumaha dowladda iyo rabashada ka dhaca guud ahaan Puntland, waxayna ugu baaqday dowladda Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabato Cabshooyinka dadka.

Dalladu waxay Warsaxafadeedka ku muujisay sida ay uga xuntahay cidkasta oo ku kacda falal lid ki ah ammaanka bulshada, islamarkaana khalkhal gelinaya xasiloonida Puntland, waxayna ku talisay in khilaafaadkasta lagu dhameeyo wada hadal iyo deganaansho.

“Gadoodka Askarta qabsatay xaruta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda 26/02/2017 ee Garoowe iyo banaan baxyada ka dhacay magaalada Bosaaso ma aha wax la dhayalsankaro. Waxaa habboon in arinta laga ilaaliyo in ay faraha ka baxdo oo gaarto meel ay adagtahay wax ka qabashadeedu” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka,

“Dalladda PUNSAA waxa ay ugu baaqaysa Dawladda Puntland in ay si miyir badan oo dhaqso leh wax uga qabato cabashooyinka ay tirsanayaan dadka sida ficilka ah u muujinaya dareenkooda oo aaney dhibsan ee u dul qaadato soo bandhigidda waxa gar loogu leeyahay in ay wax ka qabato islamarkaasna si hufan u fuliso masuuliyadda ay ummadda u hayso” ayaa la sii raaciyay

Punsaa Warsaxafadeedkooda waxay kaloo kaga hadleen mushaharaadka iyo Xuquuqaha ka maqan Ciidamadda iyo shaqaalaha, waxayna ku baaqeen in dowladu wax ka qabato Sicirka bararka foon dhaafay ee ka jira Degaanadda Puntland

“Dalladda PUNSAA waxa ay u aragtaa lagama maarmaan in Askara iyo shaqaalahaba ay helaan mushaharooda islamarkaasna ay Dawladdu wax ka qabato Sicir Bararka foon dhaafay. Waxaanu u aragnaa in ay dantu ku jirto in la dhowro sharciga iyo kala damaynta islamrkaasna lagu xisaabtamo masuuliyadda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin hay`adaha dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu” ayuu

Dhinac kale, Dalladda Punsaa waxay warsaxafadeedka ku sheegeen inay ka xun yihiin xarigga loo geystey Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ka tirsan Gollaha guud ee PUNSAa, waxayna ugu baaqayn dowladda in si dhaqso ah arintiisa loo xaliyo.

Gabagabadii, Dalladda PUNSAA soo jeedinaysaa in ay muqadas tahay sugidda ammaanka iyo xasiloonida Puntand islamarkaasna ay xil iyo waajib tahay dhawrista xaquuqda Askarta, Shaqaalaha iyo guud ahaan Bulshada.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *