Danab: Horjooge ka tirsan Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Published: December 5, 2020

Warbaahinta Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degmada Walaweyn ee Shabeelada Hoose lagu soo qabtay mid kamid ah horjoogayaasha Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaan laga fuliyay gudaha dagmada Walaweyn ee gobolka shabellada hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee dilalka Qorsheysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiisha Danab waxay intaasi raaciyeen in Xogta horjogahaan laga warhayey, isla markaana dagmada Walawayn uu soo gaaray habeen ka hor.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *