Dawladda Maraykanka oo fariin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Dalka Jabuuti.

Published: June 12, 2020
Djibouti and United States flags together textile cloth, fabric texture

Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalka Maraynka ayaa fariin digniin ah la wadaagtay dadka haysta dhalashada dalkaas ee ku nool dalka Jabuuti oo u badan kuwa shaqaale ah, Dalka Jbauuti mudooyinkii danbe waxaa ka jiray mudaharaadyo looga soo horjeedo dawladaas ka dib markii dawladu ay xirtay duuliye ka tirsan ciidanka Cirka Jabuuti.

“Mucaaradka Jibuuti waxay ku baaqeen in maanta la qabto dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda Jibuuti, dhawaan mudaaharaadyadii ka dhacay halkaas waxaa si buuxda uga falceliyay laamaha amniga, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Jibuuti waxaa lagula talinayaa inay ka fogadaan goobahaas” ayaa lagu yiri fariintan ka timi Dalka Maraykanka.

Dawlada Maraykanku waxay sheegtay in goobaha ay ka dhici karaan dibad-baxyada laga fogaado, waxayna si gaar ah dadkeeda ugu digtay in ay tagaan xaafaddha PK12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *