Deegaano hoostaga magaalada Buuhootle oo ka jirta biyo la’aan-Dhegayso

Published: February 25, 2018

Magaalada Buuhootle iyo deegaano kale oo hoostaga ayaa waxaa laga soo sheegayaa biyo la`aan xoogan, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deegaanka lagu magacaabo Qocondhaale oo 50 km dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Buuhootle ayaa ka mid ah deegaanada ay ka jiraan biyo la`aanta.

Deegaanka Qocondhaale waxaa ku sugan dad horey uga soo barakacay abaaraha ka jira dalka.

Cabdikariin Jaamac Dheeg oo ka mid ah odayaasha deegaanka Qocondhaale ayaa u sheegay Horseed Media in biyo la`aanta ay jirto, goobaha ugu daran ay yihiin deegaanada lagu magacaabo Meygaagle iyo Gocondhaale.

Hoos ka dhegayso warbxinta uu inooga diyyaariyey wariyaheenna Buuhootle Cabdicasiisd Aadan Jaamac

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *