Deeq Daawo loo wado Falastiniyiinta & la heystayaasha oo gaartay Gaza.

Published: January 18, 2024

Shixnad dawo ah oo loo waday maxaabiista Israel ee ku jira gacanta Xamaas iyo shacabka Falastiiniyiinta ayaa gaartay Marinka Gaza.

Deeqdan ayaa qeyb ka ah heshiis ay dhex dhexaadisay Qatar oo gargaarkan kooban loogu fasaxayo Marinka Gaza oo ay aqbaleen Xamaas iyo Israel.

Israel oo in ka badan 100 maalmood dagaal ka waday Gaza ayaa ku guuleysan weyday inay awood militari kula soo wareegto maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ee weli ku jira gacanta Xamaas.

Horseed Media