Degmada Badhan oo noqotey magaalada ugu horeysa ee golihii la doortey loo dhisaayo

Published: August 28, 2023
Shares76

Waxaa maanta oo isniin ah shir isugu yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland iyo Xisbiyada siyaasadeed ee Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomey Hotel Martisoor magaalada Garoowe, ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan 7 kamid ah ururada siyaasadeed ee Puntland ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa sheegay in ay Xisbiyada siyaasadda isla qaateen in Goloyaasha deegaanka la fariisyo taariikhdu markey tahay 5/9/2023 ayna ka wada bilaamato 29 ka degmo ee doorashadu ka dhacdey 25 Maajo.

Shirka ayaa ku heshiiyey in taariikhdu marke tahay 30/08/2023 la dhiso maamulka degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halka markii hore wasaaraddu qorsheynesey in laga bilaaboyo degmada Gaalkacyo, taas oo Xisbiyada siyaasaddu diideen.

Degmada Badhan waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystey Xisbiga Kaah oo uu hoggaamiyo Madaxeyne Deni, Waxaana durba Xisbigu soo xuley guddoomiye iyo ku xigeenkiisi, waxaana lagu xejin doonaa magaalooyinka kale ee Xisbiyada qaarkood si aqlabiyad ah ugu guulesyteen kuwaas oo garaya qiyaastii 8 degmo.

Horseed Media