Dekaddii macmalka ahayd ee uu Mareykanka ka dhisay Gaza oo burburtay!

Published: May 29, 2024

Mareykanka ayaa joojiyay gargaarkii uu u gaarsiin lahaa Gaza ee marinka cusub ee dekadda macmalka ah ee laga dhisay badda Gaza, kadib markii asbuucan cimilada isbedashay oo duufaan mawjado xoogan wadata ay burburisay dekadaas yar oo la sheegay inay ku baxday in ka badan $300 milyan oo dollar.

Laba markab oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo isku dayey inay badbaadiyaan dekadan badda dul sabeenaysay ayaa iyaguna khasaaro soo gaaray kuna soo caariyey xeebta Gaza.

Mareykanka oo horey loogu dhaliiceeyey taageerada uu siiyo Israel ayaa mashruucan uga gol lahaa in uu muujiyo taageerada gargaarka bini’aadamnimo ee uu gaarsiinayo shacabka ku go’adoonsan Marinka Gaza, kadib markii Israel ay diiday inay furto wadooyinka taga dhulkaasi.

Waxaa gebi ahaan joogsaday gargaarkii bini’aadamnimo ee gaari jiray Gaza tan iyo markii Israel la wareegtay xaduuda Rafah ay la wadaagto Masar, waxaana hada qarka u saaran inay sahay la’aan u xirmaan isbitaalada faro ku tiriska ah ee hada shaqeeya.

Horseed Media